Safaaradda Ingiriirska ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ay siinayso gargaar bini’aadantinimo iyo mid caafimaad oo gaaraya in ka badan $40 milyan, waxaana lacagtan lagu caawin doonaa bulshada nugul.
Deeqdan gargaarka degdeg ah iyo taageero dhaqan-dhaqaale oo fog ayaa la tilmaamay in looga hortagi doono abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada. UK waxa ay sheegtay in deeqdan cusub ay wadarta guud ee gargaar ay Soomaaliya siisay sanadihii 2024 iyo 2025 ay ka dhigeyso $106 milyan.
Gargaarkan waxa UK ay hoosta ka xariiqday inuu dabooli doono baahiyaha aas aasiga ah, isaga oo ka kooban Raashin degdeg ah oo la gaarsiiyo dadka u baahan, Biyo nadiif ah, adeeg caafimaad, Hoy iyo adeegyo loo fidinayo barakacayaasha.
Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa sheegay in gargaarkan uu muujinayo sida Boqortooyada ay uga go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed.
“Taageeradan cusub waxay caddeyn u tahay sida aanu uga go’an tahay inaan ka shaqeyno mustaqbal xasilloon oo Soomaali oo dhan ay ka faa’iideyso. Waxaan garab taaganahay dadka Soomaaliyeed, waxaana hubinaynaa in adeegyadan muhiimka ah ay gaaraan dadka ugu baahan” ayuu yiri Safiir Mike.
Deeqda la bixiyay oo soo mari doono Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo kuwa maxaliga ah ayaa loogu kala qeybiyey sidan:
$15.4 milyan oo la siiyay ICRC si ay u bixiso raashin, biyo iyo adeegyo caafimaad dadka colaadaha ku barakacay.
$8 milyan oo la siiyay WFP si ay u bixiso cunto degdeg ah.
$5.1 milyan oo UNICEF loogu talagalay si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka haweenka iyo carruurta.
$4.5 milyan oo lagu taageerayo Sanduuqa Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF).
$4 milyan oo la siiyay IOM si ay u caawiso dadka barakacayaasha ah.
$2.1 milyan oo loogu talagalay barnaamijyada ka hortagga musiibooyinka iyo taageerada dhaqaalaha dadka nugul.
$1.3 milyan oo loogu tala galay mashruuca Caafimaad, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka Soomaaliya.
UK waxay sheegtay in gargaarkan uu qayb ka yahay iskaashiga joogtada ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya si loo helo mustaqbal xasiloon oo dadka Soomaaliyeed ay ku naaloodaan.
HBN ONLINE TV