Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo iyo hooyabiyaal maanta lagu weeraray odayaal dhaqan iyo msuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka dambeysay kooxda Alshabaab.
Gaari laga soo buuxshay waxyaabaha aad u weyn oo ka dhacay Gudaha magaalada Beledweyne ayaa si gaar ah loola eegtay Hoteel lagu magacaabo Qaahira oo ku yaalla Galbeedka magaalada, kaasi oo ay shir ku lahaayeen Odayaal dhaqan & Rag la sheegay in ay abaabulayeen howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo sida hadalka loo dhigay laga sameynayo deegaannada ay degeen kooxdu.
Sidoo kale, Waxaa xigay qarax labaad oo la sheegay in uu ahaa nin isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, kaasi oo isla goobta ka dhacay, waxaa xigay xubno kooxda ka tirsanaa oo gudaha lug ku galay, kana dagaalamay, inkasta oo deegaanka ah inoo sheegeen in daryahnkii iyo dhawaqii hubka uu hadda joogsaday.
Khasaaraha ka dhashay weeraradaan qaraxyada ah ee kooxda Alshabaab ka geysatay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lama oga inta uu gaarsiisan yahay.
Dhanka kale, magaalada Beledweyne waxaa la sheegay in qaybo ka mid ah laga maqlay dhawaqa hoobiyaal lagu soo tuuray xaafadddo ka tirsan degmada Howlwadaag, iyada oo qaar ku dheceen aargada sheekh Xasan Barsame beer ku dhow.
Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama hadlin khasaaraha iyo xogta sida ay u dheceen qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Isha ku haay HBN ONLINE TV