Midowga Yurub oo ku dhawaaqay in ka badan 10 Milyan oo gargaar Soomaaliya lagu taageerayo


Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay gargaargka lagu taageeryao soomaaliya oo qiimihiisu ka badan yahay 10 milyan oo doollar, sida lagu warbixin ka soo baxday.

Arintaan ayaa waxay daba socotaa ka dib markii xukuumadda soomaaliya ay meel marisay talaabooyin dib habeyn loogu sameynayo arimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ururka Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada caalamiga ah ee Soomaaliya ka birataara xagga sameynta qawaaniinta la xariira dhaqaalaha, waxaana ugu weyn xaga wax soo saarka iyo dowlad wanaag.

Marar badan midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu yaboohay dhaqaale lagu kabayo dhinacyada  wax ka qabashada dagaallada looga hortagayo waxa loogu yeero Argagixisada iyo la dagaallanka Burcad badeedda.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed