Xukuumadda Soomaaliya iyo gobolka Banadir oo digniin ka so saaray wararka qalqalinta ee Caasimadda

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda, Taageerida dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo laga hortagaayo wararka been abuurka ah ee lagu qal qal gelinaayo Amniga Caasimadda.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Maamulka Gobolka, Wasiiro iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ayaa lagu boogaadiyay Howlgallada loogu magac daray “sifeynta Khawaarijta” ee ka socda Gobolada dalka, guulaha ay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hirshabeelle.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banadir Maxamed Axmed Amiir ka hadlay kulanka oo lagu qabtay qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in wax amni darro ah ka jirin Muqdisho, isaga ku goodiyey in cid walba waxa ay rabto iska sheegi karin.

Sidoo kale, kulanka ayaa loogu mahadceliyay Ciidamada dowladda iyo Bulshada ee taageersan garab istaaga howlgalada ka socda deegaanka dagaalka lagu la jiro Alshabaab.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed