Somaliland oo beenisay eedeymo la xiriira argagixisnimo oo Puntland uga yimid

Xukuumadda Somaliland oo gaashaanka u duruurtay in wax xiriir ah ay laleedahay ururada argargisada loogu yeero ayaa iyada oo iska fogaynaysa eedeymo kaga yimid Puntland waxay ku tilmaantay Hadal meel waayay.

Somaliland oo sheegtay waa sida hadalka loo dhigaye in taariikh dheer ay u leedahay la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo burcad baddeeda ayaa tilmaantay in wax lala yaabo ay tahay eedaha deel-qaafka ah oo sida warka loo yiri cuqdada ah ee ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

“waxaa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno “Hadal meel waayay”.

Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo falalka argagaxisnimada u jeeddo kasta oo ay leeyihiin.

Maamulka Puntland oo dagaal adag kula jira kooxda Daacish ayaa masuuliyiin ka mid ah waxay horey ugu eedeyeen Somaliland inay taageerto sida warka loo dhigay in kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan degaannadooda, iyaga oo aan soo bandhigin wax cadaymo ah oo muujinaya xaqiiqada sheegashooyinkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed