Shirkadaha Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray magaalada Muqdisho laga bilaabo maanta oo ah 5 Maarso, kaasi oo socon doona muddo ku siman todobaad, ka dib walaac la xariira digniin amni oo soo baxday.
Go’aankan ayaa yimid kadib digniin amni ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, taasi oo sheegtay khataro suuragal ah oo ka dhici kara magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo dekadda.
Labada shirkadood ayaa wargeliyay rakaabka in duulimaadyada la hakiyay si loo xaqiijiyo badqabkooda, sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo la hadlay HBN ONLINE TV.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo Turkish Airlines iyo Qatar Airways waxay si dhow ula socon doonaan xaaladda amniga ee Muqdisho ka hor inta aysan dib u bilaabin duulimaadyada ay ku yimaadaan.
War ka soo baxay Turkish Airlienes ayaa lagu yiri “Shirkadda Turkish Airlines ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray Muqdisho laga bilaabo Maarso 5 ilaa Maarso 12, 2025, iyagoo xustay walaacyo la xiriira amniga. Go’aankan ayaa yimid kadib digniin amni oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Rakaabka ayaa lagu wargeliyay hakinta ku-meel-gaarka ah ee duulimaadyada”.
Hakinta duulimaadyadan waxay saameyn ku yeelan doontaa boqolaal rakaab ah oo safarro ganacsi, diblomaasi, caafimaad iyo kuwo shaqsiyeed ku tagi lahaa ama uga bixi lahaa Muqdisho. Turkish Airlines iyo Qatar Airways ayaa ka mid ah dhowr shirkadood oo caalami ah ee si toos ah uga duula Muqdisho, taasoo ka dhigan in hakinta duulimaadyadoodu ay si weyn u xaddidi doonto isu socodka caalamiga ah ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin tallaabadan, balse waxaa la filayaa in ay la tashi la sameeyaan shirkadaha duulimaadyada si loo qiimeeyo xaaladda amni ee dalka iyo suurtagalnimada dib u bilaabista duulimaadyada.
Waxaa la filayaa in go’aankan uu saameyn weyn ku yeesho ganacsiga iyo howlaha caalamiga ah ee ka socda Soomaaliya, iyadoo la sugayo in xaaladda amni war laga soo saaro si duulimaadyadu dib ugu soo lowdaan.
HBN ONLINE TV