Jubanad & Farmaajo oo hal arrin oo taagan isku aragti ka noqda

Inkastoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo & Madaxweynaha Jubaland ku kala aragti duwan yihiin dhanka siyaasadda haddana, laba warsaxaafadeed oo saacadihii u dambeeyay ay soo saareen ayaa waxaa ka muuqata hal arrin ay isku raacsaan yihiin.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in muxaafidnimo iyo mucaarad toona aheyn dagaallada ka socda dalka ee lagula jiro Alshabaab, balse ay tahay Waajib in dhammaan la garab istaago Ciidamada Qaranka ee furimaha dagaalka joogga, si gaar ah isagoo u tilmaamay goobaha ay soo weerareen ee Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa intaa ku daray isaga oo yiri “Waxaa muhiim ah in la xoojiyo dhiirri-gelinta ciidamada iyo abaabulka dadweynaha ee dagaalkan masiiriga ah, anigoo ugu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidanka, kana feejignaadaan marin-habaabinta iyo beenta ay faafinayaan argagixisadu”.

Dhanka kale, Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo garab istaag loogu muujiyey Ciidamada dowaladda iyo Hirshabeelle ayaa lagu taageeray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Bayaanka Jubbaland ayaa lagu yiri “Jubbaland waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay wadaan Cidamada Xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada kaga jira deegaanada Dowladda Hirshabeelle”.

Maamulka ayaa u soo jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan shacabka inay saaran tahay masuuliyad wadareed taabanaysa mustaqbalka dalka.

Mar kale, Jubaland ayaa carrabowday in muhiim ay tahay in kala aragti duwanaanta siyaasadeed aanay fursad u siin kooxaha loogu yeero argagixisada inay dib isu abaabulaan, taas oo dhaawacaysa sida hadalka loo dhigay dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo horumarka dalkeenna.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed