Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Qaahira oo ay kaga qaybgalayaan shir madaxda ururka Jaamicadda Carabta ayaa ka hadli doona dib u dhiska Gaza, xili ay socdaan wada-hadalado xal loogu raadinayo dagaalka ka socda dhulka Falastiin.
Xamsa oo lagu wado inuu khubad ka jeediyo shirka maanta ka dhacaya dalka Masar ayaa ka hadli doona mowqifka Soomaaliya kaga aadan qadiyadda Shacabka Falastiin.
Sidoo kale, waxaa la filaa Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya inuu si cad u diidi doono sida xafiiskiisu sheegay soo jeedinada lagu doonayo in dadka reer Falastiin dhulkooda looga rari doono ama barakici doono.
Soomaaliya ayaa la sheegay in shirkan sanadkan ee Carabta muhiim u tahay maadama ay xubin ka tahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyada oo door firfircoon ka cayaari doontaa sida la tilmaamay dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha.
HBN ONLINE TV

