Faahfaahinno ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha dhexe iyo DFS oo war ka soo saartay

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay deegaan markale Alshabaab weerar ku soo qaadeen oo ka tirsan gobolka Shabeellaha, ayaa sheegtay in khasaare kooxda uu ka soo gaaray, ka dib markii la fashiliyey sida warka loo dhigay dagaalkii ay soo qaadeen.

Bayaan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ayaa maanta Alshabaab ku jabiyay weerar ay isku dayeen inay ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed”, waana dagaalkoodii labaad oo mar kale kooxdu soo weerarto deegaankan.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka DFS ayaa lagu sheegay in dagaal kooxdu soo qaaday ay khasaare lagu gaarsiiyey, inkasta oo aan al cadeyn inta uu gaarsiisan yahay.

“Ciidamada ayaa ku guulaystay inay laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana hadda ku sugan deegaanka Ceel Cali Axmed iyo deegaannada ku dhow dhow Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha dadka deegaanka” ayaa la sii raaciyey warka DFS.

Dowladda ayaa carrabaabtay in xogta Khasaaraha iyo macluumaadka howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka dib laga soo gubdin doono.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed