Golaha warbaahinta Soomaaliya oo war culus ka soo saaray xarigga Wariye Cali Aadan oo Muqdisho lagu xiray

Golaha Warbaahinta Madaxa-banaan ee Soomaaliya oo Cambaareeyey xarigga Wariye Cali Aadan Muumin oo xalay lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sharcidarro ah loogu xiray sida hadalka loo dhigay isagoo shaqadiisii suxufinnimada ku guda Jira.

Bayaanka Golaha warbaahinta ayaa ugu baaqayaa hay’adaha xukuumadda in xarigga wariye Call Muumin xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan si shuruud la’aan ah.

“Golaha warbaahintu waaxaa uu walaac ka muujinayaa gaboodfallada isugu jiro xarigga iyo cagajugleynta ee lagula kacaayo suxufiyiinta taas oo lid ku ah xorriyadda saxaafadda” ayaa lagu yiri bayaanka

Weli Laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya kama hadlin xarigga Wariye Cali. Xubnaha mucaaradka dowladda Soomaaliya oo siyaaba kala duwan uga hadlay ayaa dalbaday in xorriyadda wariyaah loo soo celiyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed