Ururka xoreynta Soomaali galbeed ee ONLF ayaa ku eedeeyay dawlada Itoobiya inay ka baxday ayna carqalaynayso heshiiskii la gaaray 2018-kii, isla markanaa ay si nidaamsan u burburisay nabadda iyo ku xad-gudub kale oo gudaha ururka ay sameysay.
Bayaanka ka soo baxay Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa lagu yiri
“Dowladda Itoobiya si nidaamsan ayay u wiiqday nabadda—waxay dhibaatayn ku haysaa xubnaha ONLF, faragelin ku samaynaysaa arrimaheeda gudaha, laaluushaynaysaa shakhsiyaad, waxayna diidaysaa in ay wax ka qabato sababaha asaasiga ah ee colaadda, arrimaha midnimada dhuleed ee Soomaalida, kheyraadka, xuquuqda, iyo tobannaan sano oo dulmi ah”.
Waxyaabaha dhaliilaha keenay ee ah ayaa ONLF waxay ku sababaysay in maamulka Soomaalida ee uu hagayo ama hoostaga Itoobiya uu shir la qabtay ku soo bandhigay wakiillo lagu sheegay inay ahaayeen xubno ka socday ONLF, taasi oo jabhaddu ka biya-diiday.
“ONLF waxay raadin doontaa waddooyin kale oo loo gaaro cadaaladda iyo is-maamulidda shacabka Soomaalida” ayaa lagu yiri bayaanka Jabhadda ONLF oo u muuqata in boggagii iyo galalkii ula furnaa Addis-Ababa soo ildaysay.
Labadii bil ee la soo dhaafay ayaa ururku waday howlo siyaasadeed oo uu doonayey in isbahaysi iyo shirar looga hadlayey danaha iyo masiirka Soomaali-galbeed oo ka dhaca meel ka baxsan deegaanka.
Sanadkii 2018 bishii Oktoobar Magaalada Asmara waxaa ku kulmay wakiillo ka kala socday dawladda Itoobiya iyo ururka ONLF. Waxay halkaa ku gaareen, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka, is afgarad labada dhinac dhex maray oo la xiriira sidii ONLF ay hawlaheeda si nabdoon ugu sii wadan lahayd, halka Itoobiya ay ka saartay galka ururada Argagixisada ah.
HBN ONLINE TV