In ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo halis ugu jira macaluul bartamaha sanadkan

Qiyaastii in ka badan 4 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ayaa halis ugu jira macaluul bisha Juun sababo la xiriira abaaro ka jira dalka, taasoo koror ku ah ku dhawaad hal milyan marka la barbardhigo tirada hadda, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday Qaramada Midoobay.

Warbixintan oo ay daabacday Hay’adda Caalamiga ah ee Qiimeynta Xaaladaha Cuntada (IPC) ayaa sheegay in lagu qiyaasay in saddexda bilood ee ugu horreeya 2025 ku dhawaad 3.4 milyan oo qof ama 17% dadka Soomaaliyeed ay wajihi doonaan cunto yari daran, ka dib markii wax soo saarka beeraha hoos u dhacay dhamaadkii sanadkii hore ee 2024 sababo la xiriira roobabka oo yaraa.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramda Midoobey Stephane Dujarric ayaa maanta oo khamiis ah ka digay “xaaladda sii xumaanaysa ee sugnaanta cuntada” ee Soomaaliya ee Geeska Afrika. Falanqeynta Hay’adda IPC ayaa saadaalisay in inta u dhaxeysa Abriil ilaa Juun ay 4.4 milyan oo heerarka bulshada ah ama 23% ay la kulmi doonaan cunto yari daran, gaar ahaan maadaama la filayo roobab ka hooseeya heerkii la rabay, dagaallo socda, sicir barar sare iyo fatahaado deegaannada qaar.

Sidoo kale, Warbixintu waxay qiyaastay in sanadkan 1.7 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ay wajihi doonaan nafaqo xumo ba’an, kuwaas oo 466,000 oo ka mid ah ay si daran u macaluuli doona.

“Abaaro sii xumaanaya, roobab aan la filayn iyo colaado socda ayaa wiiqaya nolol-maalmeedka dadka, waxayna qoysaska u sii riixayaan dhibaato daran,” ayuu yiri Etienne Peterschmidt, Wakiilka FAO ee Soomaaliya.

FAO oo ka jawaabaysay xaaladdan ayaa soo jeediyey in kor loo qaadayo wax-soosaarka beeraha, la horumarinayo xalal ku habboon cimilada is-bedbedesha, iyo adkeynta nidaamka cuntada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 6 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo sannadka 2025, laakiin, iyadoo ay jirto dhaqaale yari ba’an, qorshaha gargaarka bini’aadanimo ee la daahfuray dhammaadkii Janaayo wuxuu dalbanayaa $1.43 bilyan si loo caawiyo 4.6 milyan oo qof oo mudnaanta leh.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed