Faahfaahinno ka soo baxaya weerar AlShabaab ku qaaday degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii xubno ka tirsan kooxda alshabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ay ku la hayeen baNnaanka iyo guddaha magaalda Balcad.

Dagaalka oo socday muddo ayaa la sheegay in Alshabaab ay u suurta gashay inay galaan guddaha magaaladda iyadoo muqaalo ay dubeen dadka deegaanka oo lagu baahiyay baraha bulshada la arkay xubno ka tirsan kooxda oo dhex socda guddaha magaalada Balcad, inkastoo aan la xaqiijin karin muuqaalada inay yihiin kuwa cusub ama kuwa hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in la fashilliyay weerar ay Alshabaab ku soo qaadeen magaalada Balcad aroortii hore ee saaka. Iyadoo cashar loo dhigay kooxdii weerarka soo qaaday sida dowladda Soomaliya ay hadalka u dhigtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta saldhiga booliiska ee magaalada, waxaase markii dambe ka saaray ciidamada Dawlada oo kaashanaya kuwa Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika.

Magaalada Balcad oo ku taala gobolka shabeellaha Dhexe ayaa muqdisho u jirta qiyaastii 30KM waxayna mihiim u tahay amniga caasimada iyadoo ay ku yalaan qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan ciidamada ka shaqeeya amniga Magaalada Caasimada Muqdisho.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed