Dacwad iyo dood ku aadan caafimaadka Netanyahu oo ka taagan Israa’iil

Maxkamad fadhigeedu yahay Israa’iil ayaa ku hanjabtay in ay soo saari doonto amarro ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, laba toddobaad iyo bar gudahood haddii uusan soo gudbin faylkiisa caafimaadka, iyadoo amartay tilaabadaasi.
Netanyahu ayaa dacwad ka gudbiyay 2 wariye & qareen Israa’iliyiin ah, isagoo ku eedeeyay in ay faafiyeen warar been abuur ah oo la xiriira xaaladdiisa caafimaad.

Go’aanka uu qaatay garsooraha, wuxuu amrayaa in Netanyahu si taxaddar leh ugu gudbiyo nuqul rasmi ah oo cadaynaya faylkiisa caafimaadka xafiiska maxkamadda, isagoo ku xiraya baqshad shaabadeysan oo aan lagu darin faylka dadweynaha. Maxkamaddu, kadib marka ay dib u eegto faylka caafimaadka, waxay soo jeedin kartaa xal la isku afgartay.

Garsooraha maxkamadda ayaa ku dhawaaqay in, maadaama Netanyahu uusan fulin go’aankii maxkamadda ee la bixiyay toddobaad ka hor, oo uusan gudbin faylka caafimaadkiisa sidii la faray, maxkamaddu markaa ay qasab ku noqon doonto inay soo saarto amarro dhanka qaanuunka ah oo ka dhan ah isaga laba toddobaad iyo bar gudahood.

Garsooraha ayaa caddeeyay in haddii Netanyahu sii wado diidmada fulinta go’aanka, maxkamaddu ay waafajin doonto qaanuunka, isla markaana laga yaabo inay soo saarto amarro lagu keeni karo dokumentiyada, sida ay codsadeen dhinacyada kale ee kiiska.

Kiiskani wuxuu imanayaa iyadoo qaar ka mid ah wariyeyaasha iyo qareennada ay si isdaba joog ah u sheegayaan in Netanyahu uu la tacaalayo dhibaatooyin caafimaad oo saameyn kara awoodiisa hoggaamineed. Netanyahu wuu diiday eedeymahaas, wuxuuna dacwaddan u arkaa difaac sumcaddiisa iyo sirtiisa gaarka ah.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed