Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulammo la qaatay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya Maxamed Al-Manfi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Cabdixamiid Dabaybah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada tahriibka, dhaqaalaha, tamarta iyo diblumaasiyadda.
Wadahadalada ayaa madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheeikh Dowladda Liibiya iskaashiga ku aaddan soocelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee tahriibeyaasha ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu lafa-guray danaha wadajirka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo siyasadeed ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Liibiya.
Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiyaha Liibiya ayey Madaxtooyadu Carrabowday inay isla qaateen in la dardargeliyo iskaashiga dhinaca tamarta iyaga ooo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah ee ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sahminta shidaalka.
Heshiisyada ay labada dowladood kala saxiixdeen ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdixmiid Dabaybah, kuwaas oo ay Labada Dowladood u kala saxiixeen Wasiirrada iyo Madaxda ay khuseyso, si oo kor loogu qaado iskaashiga horumarinta maalgashiga.
HBN ONLINE TV