Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lala eegtay farisiimah IS ee Calmiskaad

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqeymo culus oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ayaa sheegtay in lagu dilay xubno kooxda Daacish ah.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynaya Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay fuliyeen duqeymo culus, luguna dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish.

“Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, DFS ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Taliska AFRICOM ay qiimeyn doonto natiijooyinka hawlgalkaasi oo wali socda.

Duqeymo culus ayaa saacadihii la soo dhaafay laga maqlayay deegaanno hoos yimaada Buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, waxaana sidoo kale wehliya dagaalka ay ciidanka Puntland ka wadaan halkaasi.

Puntland oo bayaan ka soo saartay duqeymo socday labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimihii ugu waa weynaa ee Daacish, iyada oo tilmaantay duqeymahaasi ay fuliyeen taliska Maraykanka ee Africom.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed