Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay khilaafka adag ee DFS kala dhexeeya Jubbland ayaa sheegay in masuuliyinta maamulkaasi waa sida hadalka uu u dhigaye ay dadka shacabka ah iyo xildhibaannada ku cabsiyaan in xamar ugu sheegaan in mushkilad ay kala kulmi doonaan haddii ay tagaan.
Xamsa oo hadalkan ka jeediyey xili uu qeyb-galayey munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka dalbaday masuuliyiinta uu eedeynta u jeediyey in dadka laga dhaafo jabhadaynta iyo madax-furashada lagu heysto.
“Xildhibaannada waxaa loogu hanjabayaa in ay wax qasaan, Ma mudna in dhafoorka Bastoolad looga hayo. Waxaan sax aheyn dadka deegaanka la cabsiiyo oo la yiraahdo sidaan ahay ila ahow, waa madax-furasho ku heysi dadka la heysanayo.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.
Hadalkan ayaa ku soo aaday iyadoo dhamaadka todobadkii hore uuu Axmed Maxamed Isalaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland uu ku eedeeyey Hogaanka Talada dalka haya inay siyaasadeeyeen waxkasta oo xuquuq ah oo ay laheyd Jubbaland, taasi oo sababtay in la joojiyo, isaga oo ku andacooday inta arintaasi jirto aanay dowladda Soomaaliya waxba kala dhexeyn cilaaqaad, iyagune aysan aqoonsaneyn.
HBN ONLINE TV