Madaxweyne Xasan oo ka hadlay dagaallada kooxaha DFS ka soo horjeeda iyo wakhtiga Soomaaliya laga dhisayo xarun Dayax-Gacmeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khubad dhinac badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka labada gole ee Baarlmaaka dalka ayaa ka hadlay dagaallada ka socda golada dalka, hirgalinta doorasho qof iyo cod ah iyo ka hortagga kalluumeysiga sharci darrada ah.

Madaxweyne Xasan oo ku dheeraaday ka hadalka doorashada qof iyo cod ayaa sheegay in Maanta la joogo sidii dadka Soomaaliyeed dib loogu celi lahaa xuquuqdooda muwaadinnimo oo ay lahaayeen sidii ay u soo dooran lahaayeen cida hoggaamineysa. Isaga oo tusaale soo qaatay dalalka Kenya iyo Itoobiya iyo halka ay maanta joogto Soomaaliya ayuu sheegay in meel yididiilo fiican uu dalku joogo.

”Maanta waxaan u joognaa in aan dadka Soomaaliyeed dib ugu celino xuquuqdii muwaadinnimo oo ay lahaayeen, si ay u soo doortaan cida hoggaamineysa.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Waxaa uu garab istaag u muujiyey Ciidamada Puntland oo dagaalka adag kula jira kooxda Daacish oo sheegay inay qatar ku yihiin nolasha shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu tilmaamay in DFS ay magacaabi doonto guddi loo xilsaarayo garabsiinta Ciidamada Puntland.

“Waxaan garab taaganahay ciidanka dowlad goboleedka Puntland ee u bareeray dagaalka xaqa ah ee ay kula jiraan Daacish, Dowladda Fedaraalka Soomaaliyana Puntland waa ku garab taagantahay dagaalkaas.” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan oo soo hadal qaaday howlgalka AUSSOM waxaa sheegay in Soomaaliya ay lahaan doonto doorka xulashada ee dalalka qeyb-galaya, wallow uusan si faahfaahsan uga hadlin xubnaha laga reebay iyo kuwa lagu soo daray.

Dagaallada ka socda guud ahaan dalka ee lagula jiro Alshabaab iyo Daacish waxaa uu ku goodiyey in ciidamada qaranka ay wadi doonaan sii wadidda in lala dagaalamo labada koox.

Waxaa uu carrabaabay Madaxweyne Xasan in markii ugu horeysay Soomaaliya laga dhisayo dhamaadka sanadkan 2025 xarun Dayax Gacmeed oo ka qeyb qaadan doonta shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, taasi oo fursado ay ka heli doonaan kumanaan Soomaali ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay inay u istaagtay sidii loo ilaalin lahaa Badaheeda dalka, loona joojin lahaa kalluumeysiga sharci darrada ah. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya laga hirgali doono xarunta horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee IGAD oo uu madax ka noqon doono qof Soomaali ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed