Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Kalfadhigiisa 6-aad oo goordhow ka furmay xarunta golaha ee Villa Hargeysa, ka dib markii ay xildhibaannada ay ka soo laabteen fasax ku qaatay 76 maalmood.
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax laba billood ah ku jiray ayaa qorshaha ahaa inuu u furmo 6-dii bishaan Febraayo Kalfadhigooda 6-aad oo ah mid duwan, kana adag kuwii hore, maadama qoddobo masiiri ah ay go’aanno ka gaari doonaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu u jeediyo xildhibaannada khubadda dastuuriga oo uu kaga hadli doono dalbadyada uu wato iyo in mudanayaasha la wadaago waxyaabaha horyaalla fadhigaan 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad.
khubadda Madaxweynaha uu jeedin doono ayaa ilo xog ogaal ah warbaahinta u sheegeen inay ku jirto sidii uu baarlamaanka codsan lahaa inay kala shaqeeyaan qabashada doorashada qof iyo cod, taasi oo badi uu baarlamaanku ku kala aragti duwanyahay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa isna jeedin doona waxyaabaha hortabinta leh ee baarlamaanka horyaalla muddada lagu jiro inta uu furan yahay Kalfadhigga lixaad, wallow xildhibaannada mucaaradka dhaliilo u jeediyeen.
Kalfadhigaan 6-aad wuxuu billaabanayaa, iyada oo ay ganaax ku maqnaan doonaan 22 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ku xad gudbeen sida hadalka loo dhigay shuruucda baarlamaanka intii ay socotay coddeynta iyo ansixinta jiheynta doorashada qof iyo cod ah 27-kii bishii November ee 2024.
Si kastaba Baarlamanka DFS ayaa galay marxaladdii kala-guurka muxaafidka iyo mucaaridka, waxaana la saadaalinaya in xiisadaha kacsani cid uun la kici doonaan.
HBN ONLINE TV