Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeymo iyo dagaallo culus oo Puntland iyo Daacish isku wadajaheen Calmiskaad

Howlgal weerar cir iyo dhul ah oo ay fuliyeen Ciidamada Puntland maanta ayaa lagu in lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo ka mid ahaa Daacish ee ku dhuumalaysanaysa deegaannada buuralayda Cal-miskaad.

Howlgalka dhulka ah oo Cidanka Puntland ay fuliyeen deegaannada ku teedsan Togga- jeceel ee buuralayda Cal-miskaad ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 15 Daacish ah oo Ajaanib aheyd, halka howlgalka Cirka ah oo caawa dhacay Damdamaale lagu dilay 29 xubnood oo kale.

“Duqeynta oo ka dhacday labo meelood oo kala ah tulada Damdamaale oo lagu dilay 22 Argagixiso iyo Togga damdamaale oo lagu dilay 7 Argagixiso” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ciidamada Puntland.

Weerarada hawada ah ayaa Puntland sheegtay inay ka caawisay dowlada Imaaraadka Carabta, .

Helidda Xogta dagaalkan Maanta ayaa ah Mid aad u Kooban Maadaama Goobaha Dagaalku ka dhacay yihiin Bartamaha Buuralayda oo isgaarsiintu ay ku yar tahay, iyada oo uu shaqaynayo kaliya qalabka isgaarsiinta Ciidamada ee satellite-ka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed