Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari Gaashaanle Cabdiqaadir Jaamac Dirirayaa sheegay in Puntland ay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Daacish oo mas’uul ka ahaa ururinta lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka Boosaaso, iyo kuwa fulin jiray qaraxyada.
Taliyaha oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in howlgal ballaaran oo ka dhan ah Daacish uu ka socdo magaalada Boosaaso, isla markaana shacabka si dhow ula shaqeynayaan ciidamada amniga, taasi oo sare u qaaday sida hadlaka u dhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Taliyaha wuxuu hoosta ka xarriiqay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo sida uu qabo kooxaha Daacish iyo Shabaab ee Boosaaso, isagoo xusay in firxad badan oo ka soo cararay buuraha Calmiskaad ay gacanta ugu jiraan laamaha amniga.
Magaalada Boosaaso ayaa ka mid aheyd goobaha ay Daacish sida weyn uga ururin jireen lacagaha ay ugu magac dareen “Sakawaadka,” iyagoo bartilmaameedsan jiray cid kasta oo diidda bixinta baadda, sida ay muujineyso warbixinta ay siidaayeen taliska Maraykanka Africom.
Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadii hore u bixin jirtay lacagaha ay hadda joojiyeen, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, kaasi oo xaddiday dhaqdhaqaaqa kooxda.
HBN ONLINE TV