Magaalada Anakara ee caasimada dalka Turkiga waxaa maanta ka dhcay wada-hadallo farsamo oo xasaasi ah, isla markaana u dhexeeyey mas’uul sar sare oo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya. Is araga Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhaqan-gelinta heshiiskii Ankara ee ay horay u gaareen ee xal u helista muranka badda.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku jira wajiga koowaad ee wadaxaajoodyada farsamo ee qaab-dhismeedka Baaqa Ankara, oo daba socda kulankii 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada caasimadda Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo Wadaxaajoodyadan garwadeen kaga ah xukuumadda Ankara uga wakiil ah ayaa wada-hadallo la qaatay wafdiyo ay kala huggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timothewos iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar.
Iyadoo la raacayo Baaqa Ankara ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo laba dal uu garwadeen kaga ahaa xalinta khilaafka u dhexeeyey ayaa laga soo saaray aragtida ku wajahdneyd xal u helista mustaqbal madax banaanida iyo wadajirka labada dal. Waxaa kulankii 11-kii December ee sanadkii hore joogay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay wadahadalada maanta ayaa sheegtay in dhinacyadu muujiyeen ka go’naashaha hirgalinta heshiiskii Ankara.
“Intii lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada wafdi waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay dhaqan-gelinta qodobada iyo nuxurka bayaank Ankara” ayey tiri DFS.
Sidoo kale, waxaa la sii raaciyey “Wafdiyadu waxay billaabeen shaqo dhab ah oo lagu hirgelinayo aragtidaas, iyagoo isla gartay horumar waara oo labada dhinacba dan u ah”.
Wafuuda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kaga mahadceliyey Turkiga dadaalkeeda joogtada ah ee ku aaddan diyaarinta marxaladda xigta ee wadaxaajoodyada farsamo, oo lagu qaban doono bisha Maarso 2025.
HBN ONLINE TV