Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay deegaano badan Shabeellaha dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii la soo dhaafay howlgalo culus oo ay fuliyeen kula wareegay deegaano dhowr ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ciidamada oo gacanta ku dhigay deegaano badan oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle ayaa ku sheegay in kooxda ay ka qabsadeen Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale .

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgaladan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalada khasaare xoog leh lagu lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana lagu dilay howlgalada xubno badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee laga dilay kooxda.

Sidoo kale, Waxaa saraakiishu ay xaqiijiyeen inay gacanta ay ku soo dhigeen xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa deegaannada howlgalada ay kula wareegeen ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgaladaan ciidamadu kala fuliyeen deegaanadaan dhaca Jiinka wabiga shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qayb ka noqonaya dadaalada ciidanka dowladda fedaraalka iyo dadka deegaanka ay ku doonanayaan in Alshabaab ay kaga saaraan goobaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed