Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Howlgal lagu bartilmaameedsaday guri uu degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud uu ka deganaa Horjoogihii Xisbada Alshabaab oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax, kaasi oo qasaare lexaad leh uu ka soo gaaray sida la soo wariyey Maleeshiyada kooxda.
Dowladda Soomaaliya oo warbixin ka soo saartay ayaa sheegtay in howlgalkaan oo ay fuliyeen dadka deegaanka uu ka dhacay guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga Degmada Ceelbuur, kaasi oo uu soo gaaray dhaawac daran sida Warbixinta Dowladda Soomaaliya sii daysay ay sheegtay. Xubno kale ayaa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray.
“Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu gaarsiiyey qasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri warka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ay ka sii deysay howlgalkaasi, waxaana la sii raaciyey in markaasi kadib ay Alshabaab qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen sida warka loo yiri “maleeshiyaad kale oo ayaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan inay falkan ku lug lahaayeen”.
Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka taagan xiisad adag u dhaxeysa sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ah oo iyagu degmadaasi ku wada sugan.
HBN ONLINE TV