Dowladda Soomaaliya oo gubay Jaad ay sheegeen inuu sharci daro ku soo galay dalka

Taliska Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay bundado Jaad lagu sheegay inuu sifo sharci daro ah dalka ku soo galay oo gaarayey 40 jawaan ayaa meel fagaare ah dab ku qabadsiisay , iyadoo talisku tilmaamay in loo haayo qaar ka mid ah dadkii dalka soo galiyey.

Qaadka oo talisku ku heysto warka u dhigay in uusan soo marin habka canshuur bixinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayuu sheegay in dalka doomo lagu soo galiyey, ka dib markii xogta ay la soo wadaageen ciidamada ilaalada badaha.

Booliska Soomaaliya oo digniin adag ugu diray goobta ay maanta Ciidanku ku gubeen Qaad ayaa sheegay in dadka isku dayaya inay ka dhuuntaan canshuurta ay gacan adag ku qaban doonaan, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili ay canshuur laba jibaar ah dowladda kenya ku soo rogtay Jaadka ay soo safriso Soomaaliya, isagoo qiimaha dalka uu ku yimaado ay aad u badatay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed