Dowladaha Itoobiya & Soomaaliya oo kuwa hadlaya markale dalka Turkiga

Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga waxaa ku sugan wufuud ka kala socota Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimo farsamo ee lagu dhammeystirayo baaqii Deseembar 2024 ee lagu dejiyay xiisadda labada Dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Wafdiga ka socda ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Turkiga ee dhexdhexaadinta wada ka hor inta uusan billaaban wadahadalka tooska ah ee Itoobiya ku wajahayaan ee ku aadan xaalada labada dal oo khilaafkii u dhexeeyey xal loogu raadinayo.

Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa sheegay in kulankaan lagu xoojinayo xiriirka diblumaasi, nabadda & adkeynta baaqii Ankara.

“Wafdiga Soomaaliya waxa uu Ankara uu u yimid ka qaybgalka wareegga koowaad ee shirka farsamada ee Soomaaliya & Itoobiya si loo xoojiyo ama loo hor mariyo baaqii Ankara, Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa Nabadda, adkeynta hannaanka diblumaasi oo ku dhisan is afgarad iyo is ixtiraam” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Dowladdaha Soomaaliya & Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay wixii ka dambeeyay Deseembar 2024 oo wadahadal ay isugu soo dhawaadeen labada dal ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Kulamadaasi u dhexeeya Xukuumadaha Muqdisho & Addis Ababa ayaa ka kala dhacay labada caasimadood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed