Duqeymo lala beegsaday kaydkii hubka Daacish ku laheyd buuraha Calmiskaad

Puntland oo faahfaahin ka bixisay Duqeymo ka dhacay galabta buuraha Calmiskaad ayaa sheegtay in lagu beegsaday xaruntii kaydka hubka Daacish iyo gaadiidka, iyadoo halkaasi lagu dilay sida hadalka ay u dhigtay xubnihi ku sugnaa ee kooxda.

Duqeynta 1-aad oo Puntland sheegtay inay kala kaashatay Dowladda Imaaraadka Carabta ayey tilmaantay in lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhow deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad.

“waxaa la gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Ciidamada Puntland.

Sidoo kale, duqeymo 2-aad oo ay fulisay Dowladda Maraykanka oo laba ahaa ayey Puntland sheegtay inay lagu bartilmaameedsaday goobo Daacish ay ku laheyd deegaanka Darar-Madoobe ee Calmiskaad, taasi oo lagu dilay 12 kooxda ah oo ay ku jireyn xubno sare.

Puntland waxay uga mahadcelisay Imaaraadka kaalintii ay ku lahaayeen duqeynta goobaha Daacish fariisimaha u aha, iyadoo maamulka dagaalka adag uu kula jirto kooxda Daacish.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed