Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dhageysatay eed loo heysto Tahliil Axmed Fiidow Caraale oo horay uga tirsanaa ciidamada Xoogga balse la sheegay in markii dambe uu ku biiray kooxda Alshabaab oo uu u fududeeyey qaraxyo ka dhacay Muqdisho.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa loo horgeeyay in uu qarax ka geystay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Tahliil oo gacan go’aneyd ayaa sheegay in Alshabaab ay ka jartay ka dib markii uu tilmaamay in lagu soo eedeeyay xatooyo (tuuganimo) deegaankii uu isaga dhiibay kooxda oo gobolka Galmaduud ah.
Waxa uu Maxkamadda Ciidamada ka hor sheegay Tahliil in uu qarax dhacay Oktoobar 2024 ka qaaday Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isaga oo geeyay degmada Kaaraan, balse waxaa uu iska fogeeyey in cidna aanay ku dhiman.
Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday in xukun adag la saaro Tahliil Axmed Fiidow oo sidoo kale loogu yeero Cali Daahir Jimcaale maadaama qaraxaas lagu eedeeyay dad ku dhinteen.
Eedeysanaha iyo qareennadiisa ayaa si wadajir ah dhankooda u dalbaday in loo fududeeyo ciqaabta kiisaska xeer ilaalinta kusoo eedeysay mar haddii uu qiraal yahay qayb kamid ah dambiyada loo heysto, ugu dambeyn guddoomiye Shuute ayaa fadhiga soo xiray.
HBN ONLINE TV