Waxaa ku kulmay Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo is aragoodu noqonayo kii labaad oo sanadkaan 2025 isla magaaladaan ay ku yeeshaan.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii DFS ay si rasmi ah ugu dhawaaqi lahayd in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay qayb ka noqdeen howlgalka AUSSOM, iyadoo inta uu salaanta soo dhaweynta uu ka guddoomay cutub siday calamada howlgalka midowga Afrika iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Xasan Sheekh & Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa diiradda saaray kulankooda, sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ iyo adkaynta deris wanaagga.
Sidoo kale, Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay isku soo hadal qaadeen in labada Dal midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanidiisa.
Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo muddo sanad ah go’naa ayaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabanayay wixii ka dambeeyay horraantii Deseembar 2024 kaddib wadahadalkii labada dhinac ku dhexmaray Dalka Turkiga.
HBN ONLINE TV