Puntland oo Boosaaso ku soo bandhigtay nin Daacish baxsad ahaa

Laamaha ammaanka Puntland ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ku soo bandhigta nin figeysan oo indhaha laga soo xiray, kaasi oo Ajanabi ah.

Ciidamada Puntland ee Boosaaso oo sheegay in ninkan qirtay sida hadalka u dhigeen inuu ka mid ahaa kooxda Daacish ayaa carrababaay inuu ka soo jeedo dalka Moroco.
Ninkan in la soo qabto ayaa waxaa ciidamadu tilmaameen inay ku soo wargaliyeen shacabka magaalada.

“Nin u dhashay Moroco oo ah firxadka argagixisada daacish ayaa shacabku qabteen waxaana hada gacanta ku haya laamaha amniga oo su’aalo weydiinaya , wuu qirtay inuu ahaa daacishtii la jebiyey” ayaa lagu yiri warkan oo lagu baahiyey bogga taliska howlgalka Puntland.

Qabadasha ninkan ee ka dhacday galabtay magaalada ayaa ku soo aadeysa xili Boosaaso ay dhamaadkii bishii hore ee Janaayo ay saqdhexe Ciidamada Puntland ku dileen nin Ajanabi ahaa oo ay ku soo wargaliyeen shacabka degan magaalada,iyadoo sidoo kalane laga masaafuriyey dad oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo lala xariiray falal amni darro iyo xiriir ay la leeyihiin Daacish

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed