Golaha wasiiradda Soomaaliya oo war ka soo dagaallada lagula jiro kooxaha Daacish & Alshabaab

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulankooda qodobada looga hadlay waxaa ka mid ah xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka lagul jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Golaha oo meel-mariyey marka hore heshiis iskaashi amni oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa waxaa warbixinno looga dhageyso masuuliyiinta xaaladaha amniga dalka iyo dagaallada ka socda Puntland iyo kan Hirshabeelle.

Inta uu kulanku socday ayaa la dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee ka dhanka ah kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyadoo golohu ka dhawaajiyey in jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranku, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo sida hadalka loo dhigay ay ku “dhibaatayn jireen shacabka­­”.

Sidoo kale, golaha ayaa sheegay in dagaallada lagula jiro labada koox in looga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay. Hadalka golaha XFS ayaa ku soo aadaya xilli ay Puntland muddo rubac sanad ah dagaal adag kula jiro Daacish oo fadhiyo waa weyn ku leh buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed