Puntland oo sheegtay in duqeymo ka dhacay Cal Miskaad lagu beegsaday xubno ajaanib ah oo Daacish ka tirsan

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay deegaanka Shebaab oo ka tirsan Buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, iyadoo Puntalnd ay sheegtay in khasaare dhimasho oo Ajaaniib u badneyn uu ka soo gaaray.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada wada howlgallada ka socda gobolka Bari ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa deegaanka Shebaab, kaasi lagu dilay 30 xubnood, una badnaa Ajaanib.

Sidoo kale, warka ayaa lagu carrabaabay in duqeynta la fuliyey lagu burburiyey gaadiid ay xubnahaasi wateen, inkasta oo aan hab duqeynta u dhacday iyo cida ka taageertay Ciidamada Puntland ee dagaalka adag kula jira kooxda Daacish.

“Labo duqeyn ayaa ka dhacday degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Puntland.

Bayaanka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in tirada xubnaha lagu dilay howlgallada ka socda gobolka Bari ay gaarayaan in ka badan 200 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, lana sii xoojin doono.

Mareykanka ayaa horay duqeyn uga fuliyay deegaanno ka tirsan buuraleyda gobolka Bari oo uu ka socdo dagaalka ciidamada Punland iyo Daacish, waxaana warbixintii ugu dambeysay lagu sheegay in lagu dilay xubin muhiim ah iyo xubno kale oo kooxda ka mid ahaa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed