Maxkamadda Ciidamada Sida ayaa lix bilood oo xabsi ah ku ridday ganacsade lagu eedeeyey in uu maxkamadda Alshabaab uga dacwooday rag uu ku lahaa dayn, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska garsoorka.
Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne ayaa looga eedeeyey Maxkamad Banaadka in deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof oo uu ku lahaa lacago deyn ah.
Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka ayaa ka hor inta uusan u tagin Alshabaab waxaa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid ka mid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Eedeysanaha ayaan tagin sida warka loo dhigay Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana uu u dhaqaaqay in Alshabaab uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda 16-kii Bishii 11-aad 2024.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida oo codsaday qaadista
kiiskaan ayaa loo oggolaaday 6-dii Bishaan February, waxaana Garsoorka Maxkamadda uu ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne 6 Bilood oo Xabsi lagu tilmaamay “argagixiso ah” inuu ku jiro.
HBN ONLINE TV