Madaxweyne Cirro oo ka qayb galaya Shirka Dawladaha Caalamka oo dalbaday in la aqoonsado Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo kaga qeyb galay shirka waddamada Adduunka oo ka socda magaalada Dubia ayaa ka dalbaday wadamada goobta joogay in marka hore uu ka rejaynayo Somaliland aqoonsi ay ka hesho caalamka.

Khudbadda madaxweyne Cirro uu jeediyay ayuu wadamada uu Ictiraafka ka dalbaday kan ugu horeeya rajeeyey inuu noqdo sida uu hadalka u dhigay dalka Maraykanka.

“Ka hor inta aanan waydiinta ka jawaabin, waxaan ka socdaa Somaliland, mid ka mida dawladdaha Mustaqbalka dunida ku soo biiray” ayuu yiri Cirro.

Waxaa uu sheegay in ay nasiib darro ahayd midowgii Somaliland ay gashay sannadkii 1960-kii kaas oo uu tibaaxay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed balse Somaliland ay la soo noqotay sida uu warka u dhigay madax bannaanideeda mar kale 1991-kii.

Hadal jeedinta Madaxweynaha ayaa isugu dhafnayd mid uu ugu hoga tusaalaynayey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta, wixii u qabsoomay 30-kii sano ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda xaqa ay u leedahay in ay hesho aqoonsi Caalamiya.

Shirka waxa ku sugnaa madax kala duwan oo ka socota daafaha Adduunka oo lagu marti qaaday, kuwaas oo fikrado iyo suuq ka raadinaya dalalka ka qeyb galayaasha ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkado wax badan soo kordhiyey lagu abaal mariyey goobta oo dhanka Tiknoolajiyadda ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed