Madaxweynaha Iiran Massoud Bezshkian ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu taageero gacan ku dhiiglayaal uuna ka ilaalinayo in lagu fuliyo dacwadaha ay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ahi ku soo oogto, isla markaana Mareykanku uu sheegto sida hadalka uu u dhigay inuu doonayo nabad halka uu la safan yahay dambiilayaasha Israel.
Massoud Bezshkian oo khudbad uu ka jeediyay mudaaharaad ballaaran oo ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, xuska sannad-guurada kacaanka Iran ayaa yiri “Maamulka Sahyuuniyada yahay cidda wiiqaysa amniga gobolka, balse aysan ahayn waxa dhibaatada wada.”
Madaxweynaha Iiraan ayaasheegay in dalkiisu uu awood u leeyahay, midnimadiisana ayna ku xallin karaan dhammaan dhibaatooyinkooda, isla markaana ay wajahaan Mareykanka, wuxuuna intaa ku daray in “Trump uu maleegayo shirqoolo ka dhan ah Iran, haddana uu sheeganayo inuu doonayo wadahadal uu nala yeesho.”
“Haddii Mareykanku dhab ka tahay wadahadalka uu rabo in Tehran la gasho, maxay cunaqabateyn u saareen?” Ayuu is weydiiyay, isaga oo xusay in dalkiisu wajahayo dagaal dhaqaale oo dhan walba ah, loona baahan yahay in la iska caabiyo.
Massoud Bezshkian wuxuu tilmaamay in Iran aysan ku dhici doonin shirqoollada uu cadawgu u maleegayo, sidoo kalena aysan u gacan-gelin doonin awoodaha shisheeye, balse aysan sidoo kale raadin ama u baahneyn dagaal.
HBN ONLINE TV