Baarlamanka SSC-Khaatumo oo laalay mooshin ka yimi madaxtooyada, hadddaba muxuu yahay mooshinkan?

Kulan uu yeeshay maanta Golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa lagu dhagestay soo jeedin mooshin ay ku diidanaayeen Xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi hindise Sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka, kaasi golaha markii dambe faray in dib loogu celiyo ciddii masuulka aheyd.

Fadhiga golaha ay soo xaadireen 35-mudane ayaa dood ka dib golohu sheegay in meesha looga saaray sharciyeynta xeerkan oo dib loogu celiyey hay’adaha garsoorka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin Warsame ayaa sheegay in golohu uu u kula qeybsamay laba garab oo dooda xeerka la soo gudbiyey ku kala aragti duwanaaday.

“Muddadaanba golaha waxaa taalay doodda ku saabsan xeerkaa darstuurka ee golaha loo soo gudbiyey, iyadoo golahu uu ugu qeybsan yahay laba garab” ayuu yiri guddoomiye Jaamac.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka SSC-KHaatumo oo golaha ka hor akhriyay soo-jeedinta loo soo gudbiyay Xafiiska guddoonka Golaha oo ay qabteen ayaa sheegay in dib ugu celiyeen Hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo tala bixiyaan.

“Waxaan ku wargalinaynaa baarlamaanka iyo xildhibaannada sharafta leh ee soo jeedinta soo gudbiyey Hindise Sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-khaatumo uusan ku cadeyn axdiga SSC-Khaatumo diidmo iyo ogolaan midna” ayuu sii raaciyey hadalkiisa guddoomiye Jaamac.

SSC-Khaatumo oo ah maamulka curdun ah ayaa ku guda jira sidii uu ugu gudbi lahaa ku meel-gaarnimada si uu u noqdo maamul buuxa, isagoo u bud dhigaya Dastuurkiisa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed