Xabaal-wadareedka ay ku jiraan dad muhaajiriin ah oo laga helay dalka Liibiya

Koofurta dalka Liibiya waxaa laga helay labo god oo lagu aasay dad muddo la raadinayay oo dalkaas u tagay in ay uga sii tahriibaan qaaradda Yurub gaar ahaan Talyaaniga, iyaga oo safar dheer ku maraya Badda Mediterranean sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.

Looma sheegin si dhab ah xogtooda oo dhammeystiran, maadaama ay jiraan dad raadinaya xubno katirsan ehelkooda oo ugu war dambeysay iyagoo tahriib u tagay Waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Saraakiisha kiiska gacan ku heysa ayaa tirada dadka ku sheegtay in ay gaarayaan 50 qof waxaana laga helay labo god oo waaweyn. Dadkaan ayaa markii godadka la geliyay lagu dul shubay ciid ama carro aan asturi karin, taasina sahashay in goobta baaris laga sameeyo.

Waxaa ka horreeyay 19 ruux oo Jimcihii Maydkooda laga helay Magaalada Kufra ee Koofurta Liibiya, dadkaas ayaa la baadigoobayaa dhalashadooda si loo ogaado Dalalka ay u kala dhasheen, waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sanado ka hor dadkaan lagu dilay Liibiya, waxaa loo badinayaa in ay naftooda ku waayeen ciqaabtii ay marinayeen kooxaha Magafayaasha ee ciqaabi jiray si ay lacago uga qaataan ehelkooda tahriibayaasha.

Soomaali badan ayaa ka mid ah dadka u tahriib tagi jiray Liibiya, inkasta oo aan la xaqiijin in ay ku jiraan dadka maydadkooda la helay, waxaa socda baaris looga gungaarayo si loo ogaado dhalashadooda loona geliyo diiwaanka Qaramada Midoobay sida saraakiisha howsha ku jirta carrabaabeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed