Puntland oo aas Qaran ugu sameysay Ceel-Daahir Askar walaal ah oo ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Calmiskaad

Saraakiil ku geeriyootay dagaalkii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah buuraha Calmiskaad ayaa maanta lagu aas wadareed loogu sameeyey deeggaanka Ceel-Daahir oo katirsan degmadda Carmo ee gobolka Bari, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee Gaashaanle Sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood oo ahaa walaalo ayaa aas wadareedkooda waxaa ka qeyb galay dad aad u badan meelo kala duwan uga kala yimid, waxaana goobta loogu duceeyey marxuumiinta dhintay iyo ehelada ay ka bexeen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirisaq Axmed Siciid, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye guuto Caydiid Axmed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay labada sarkaal ayaa sheegay inay naftooda ay u hureen difaaca dalka iyo amniga.

Waxaa ay shacabka iyo ciidamada kale ku booriyeen waditaanka dagalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo wajaheysa cadaadis abid kii ugu adkaa ah gudaha Soomaaliya.

Qoyska ay ka bexeen labada sarkaal waxay hore u waayeen sidaan oo kale 11-sano ka hor Fu’aad Qoryood oo ku dhintay buuraha Calmadow sanadkii 2014-kii, ka dib dagaal adag oo halkaasi ay kula galeen kooxda Daacish.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed