Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo garab istaag u muujiyey Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Daacish

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo sheegay shir gaar ah ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, waxaana ay sheegeen in guulo waaweyn ay ka gaareen dagaalka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Shirka ka dib golaha Wasiiradda ayaa bayaan ka soo baxay lagu sheegay in Hay’addaha Dowladda Soomaaliya lagu go’aamiyey in mid walba qaatado doorkeeda kaga aadan dagaalka socda.

“Golaha ayaa go’aamiyey in hey’adaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ciidamada Puntland ayaa 3-dii maalin ee la soo dhaafay dagaal adag kula galay buuraha Calmiskaad kooxda Daacish, waxaana ay sheegeen in lagu dilay inta dagaalku socday ku dhawaad 60 xubnood oo Konton ka badan ahaayeen Ajaaniib madow iyo cadaan isugu jiray.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa wajaheysa dagaalkii ugu adkaa abid ee gudaha dalka, kaasi oo 3 bil oo xariir ah ka socda dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed