Laamaha ammaanka magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in la fashilayey Qarax la soo dhigay suuqa aadka u mashquulka badan degmada, kaasi oo ahaa nooca dhulka lageliyo ee Mobileda laga hago.
Ciidamada gaarka u tababaran ee ka hortaga khataraha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in durbaba ay ka saareen goobtii lagu aasay Miinada, iyada oo aan wax dhibaato ah geysan.
Saraakiisha howlgalkan Miino soo saarista sameeyey ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada Xoogga ayaa sheegay inay shacabka ku soo wargaliyeen qarax xaafadda la soo dhigay, waxaana ay ku amaaneen la shaqeynta laamaha amniga ee xogta ay bixiyeen.
Waxaa Saraakiishu tilmaameen inay ka dambeeyeen in la fashiliyo Miinada, Haweenka ka shaqeeya Nadaafada deegaanka ee wadada xiriirisa magaalada iyo xaafada buulow. Waxay ku eedeeyeen inay ka dambeyeen sida ay hadalka u dhigeen kooxda Alshabaab.
“Ciidanka xoogga dalka ayaa manta fashiliyay qarax miino ah nooca dhulka lagu aas ah oo ay khawaarijtu ku qariyreen suuq ganacsi oo ku yaal magaalada Xuddur ee gobolka Bakool. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay inay ka hortagaan dhagarta khawawrijta ay u soo maleegeen Shacabka magaalada Xudur ” ayaa lagu yiri war kooban oo Ciidamada ka soo baxay.
Goobta qaraxa la dhigay oo ah meel ay tagaan badi Ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu iibiyaa Jaadka sida HBN ONLINE TV ay ka soo xiganayso dad Goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Xuddur ee gobolka Bakool.
Sidaan oo kale, Sanadkii hore ayaa Qarax aad u weyn oo goobta Jaadka lagu aasay waxaa dhaawacyo ka soo gaareen dad shcab ah oo goobta marayey iyo dadka ku ganacsada.
HBN ONLINE TV