Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maanta kulan kula qaatay dhamaan madax dhaqameedka Somaliland aqalka madaxtooyada ayaa khudbad uu u jeediyey waxaa uu kaga hadlay kaalinta ay ku leeyihiin xalinta khilaafyada, nabad ku soo dagaalidda gobollada Sool Bari iyo Sanaag.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inay mudnaan gaar ah siineyso Xukuumaddisa Salaadiinta, Ugaasyada, Boqorada iyo Garaaddada oo door muhiim ah ku leh deegaannada Somaliland.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madax dhaqameedku ay fure u yahiin xalinta khilaafaadka iyo ka hor taaga colaadaha, isagoo ka dalbaday inay ka wada shaqeeyaan Nabadda.
Xiisadda ka taagan gobollada Sool Bari iyo Sanaag ayuu carrababay inay Xukuumaddiisi ay u aragto sida uu hadalka u dhigay in Nabad lagu xaliyo, isagoo balse ay Somaliland uu waajib ka saaran yahay difaaca shacabka halkaasi ku nool.
“Ammaan darada ka jirta Sool Bari iyo Sanaag Xukuumaddu xal waxay u aragtaa in Nabad lagu xaliyo, Laakiin Waajibaadkeeda ka tagimayso inay shacbiga iyadu ka masuul tahay nabad galyadiisa iyo difaaciisa” ayuu yiri Madaxweyne Cirro
Dhanka kale, Cuqaasha kala duwan oo hadalo jeediyey ayaa soo jeediyey in gole lagu midaysan ay sameystaan, iyadoo uu tilmaamay Madaxweyne Cirro inay taageeri doonaan soo jeedintaasi.
Xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag oo adkeyd ayaa Somaliland waxay u saartay guddi xal u raadiya oo heer wasiirro, kuwaa oo gaaray magaalada Ceerigaabo oo si aad ah uu u saameeyey dagaalku, ka dib markii ay ka barakaceen in ka badan 40-kun oo shacab ah.
HBN ONLINE TV