Puntland oo sheegtay khasaaaraha ee dhimasho ee Daacish ku gaarsiiday dagaalkii ka dhacay gobolka Bari

Taliska Howlgalka Ciidamada Puntland oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal ay Daacish la galeen ayaa lagu sheegay in la dilay ku dhawaad 60 xubnood oo ka mid ah Kooxda.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen saldhigyadii lagu dagaalamayay oo loogu tagay hub, agab iyo dukumeentiyo ay laheyd sida hadalka loo dhigay kooxa Daacish.

Bayaan si kooban loogu faahfaahiyey howlgalka oo ka soo baxay taliska Ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in kooxda laga dilay 57 xubnood oo badi ahaa Ajaaniib.

“Maydadka Argagixisada Daacish 57 Ajaanib u badan ayuu Ciidanku soo bandhigaya Goordhow, sidoo kale waxaa la qabtay deegaanadii lagu diriray, Dukumintyo, Hub iyo Agabkale.”­­

Dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari oo khasaare kala duwan ka soo gaaray labada dhinac ayaa la tilmaamay inuu socday muddo saacado ah, waxaana dhanka Puntland ay qiratay inay uga dhinteen 10 Askari.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa wajaheysa dagaalkii ugu adkaa abid ee gudaha dalka, kaasi oo 3 bil oo xariir ah ka socda dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed