Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka ka dhacay degmada Baardheere

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Culus oo ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan uu ka qarxay bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada oo ay isku hayaan labada dhinac.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, sida ay xaqijiyeen dadka degaanka oo saaka ku waa bariistay daryanka hubka culus ee dhinacyadu is dhaafsanayeen.

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Arimaha Bulshada Dagmada Baardheere Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere.

Wararku waxay sheegayaan in Saldhiga Booliska iyo xarunta dagmada ay gacanta u gashay ciidanka maamulka jubbaland ka dib dagaalka saaka oo dadka deegaanku ay sheegeen inuu ahaa mid aad u culus.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday nawaaxiga Dagmada Baardheere dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay waddeen ciidanka maamuka jubbaland, waxaana la sheegay 4 bishan in ciidankii dowladda ee ku sugnaan Magaalada Baardheere ay inta badan ka baxeen magaalada taasna ay sababtay inay shalay ciidanka jubbaland ay guddaha u galaan Dagmada.

Galinkii horre ee shalay ayaa waxaa ciidamada Jubbaland ay guddaha u galeen degmada Baardheere waxaana halkaas tagay guddoomiyaha degmadaas ee Jubbaland, Aadan Muxumad Axmed, oo kormeer ka sameeyay Baardheere, kaas oo lagu qiimeynayay xaaladda guud iyo arrimaha ammaanka ee degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in haatan wixii ka dambeeya ay gudan doonaan waajibaadkooda, xaruntana Dahmadda loogu shaqloogu shaqeyn doono bulshada deegaanka.

Waxay ku soo adaysaa xili gobolka Gado uu ku suganyahay Madaxwayne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan kaas oo muddoyinkii ugu dambeeyay ka waday wadda kulamo uu lasheegay inuu la qadanayay waxgaradka Gobolka Gado.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed