Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya masuuliyiin Alshabaab ka afduubatay waqooyi Bari ee Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ayaa sheegaya in laga qafaashay odayaal ka tirsan hogaanka bulshada ee deegaannada hoos yimaada Mandheera, kuwaas oo ahaa caaqillo ka tirsan Kenya.

Bishaar Mukhtaar oo ka tirsan golaha deegaanka ee Mandheera, lagana soo doorto deegaanka Wargaduud ayaa afduubka odayaashaas oo tiradooda ku sheegay 5 oday.

“Shan oday oo Wargaduud ka soo baxay, una socday meel ay kulan kaga qayb gali lahaayeen oo deegaanka Ceelwaaq ka tirsan ayaa laga afduubay meel u dhaxaysa Wargaduud iyo Ceelwaaq, welina lama oga dadka afduubka sameeyey” ayuu yiri Bishaar Mukhtaar.

Wuxuu intaa ku daray in odayaashaas loo badinayo in loo gudbiyey dhinaca Soomaaliya. Bishaar wuxuu intaa ku daray in ay ka tahay markii ugu horreysay ee afduub laga sameeyo deegaankaas, inkastoo ay hore qaraxyo uga dhaceen.

Dowladda Kenya ayuu ka dalbaday inay ka shaqayso sidii odayaashaas dib loogu soo celin lahaa oo looga soo furan lahaa gacanta afduubayaasha. Taliyaha booliska ee koofurta Mandheera Julius Njeru ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyey afduubka odayaashaas.

Qafaalashada odayaasha ayaa imaanaysa in yar ka hor socdaalka madaxweynaha Kenya William Ruto uu ku tagay Mandheera, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho 5 maalmood ah oo uu ku marayo gobolka waqooyi Bari.

Sida laga soo xigtay ku xigeenka madaxa xafiis-hoosaadka deegaanka koofurta Mandheera Tobias Otunga, odayaashaas ayaa xilliga la afduubanayey u socday kulan looga hadlayey imaanshaha madaxweynaha Kenya ee gobolka Waqooyi bari.

„Cuqaasha iyo kaaliyeyaashooda ayaa ah kuwo mar walba khatar ku jira. Kooxda al Shabaab ayaa ugaarsada oo afduuba ama dila” ayuu yiri Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deggan Mandheera oo u warramayey wargayska The Daily Nation.

Dalka Kenya, caaqillada ayaa ka tirsan dowladda, waxayna hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha gudaha, waana maamulayaal.

Mas’uuliyadooda waxaa ka mid ah ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, isku xirka hawlagallada amniga iyo in dusha laga eego barnaamijyada dowladda ee heer deegaan.

Afar ka mid ah odayaasha la qafaashay ayaa ah caaqillo sare, iyadoo kan 5-aadna uu yahay kaaliye. Magacyada cuqaashaas ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Maxamed Caddaawe – magaalada wargaduud, Maxamed Xasan – bariga Wargaduud, Cabdi xasan – Quramadow , Maxamed Nuur Xaashi iyo Ibraahim gaabow oo ah kaaliye.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed