Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan wax damaanad ah ka haynin in xabbad-joojinta Gaza ay sii jiri doonto, taasoo muujinaysa xaaladda cakiran ee gobolka. Hadalkan wuxuu yimid kahor kulanka uu la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ka dhici doona Aqalka Cad maanta oo Talaado ah.
Kulankan wuxuu noqonayaa booqashadii ugu horreysay ee Netanyahu uu ku tago Washington tan iyo markii la gaaray heshiiska xabbad-joojinta. Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan xasilloonida xabbad-joojinta, khataraha amni ee gobolka, iyo dadaallada lagu ballaarinayo xiriirka Israa’iil la leedahay wadamada Carabta ee deriska la ah.
Xabbad-joojinta Gaza oo socotay muddo laba toddobaad ah ayaa weli ah mid aan xasillooneyn. Xamaas ayaa dalbatay in Israa’iil si buuxda uga baxdo Gaza si ay usii deyso dhammaan la haystayaasha.
Netanyahu wuxuu wajahaya cadaadis ka imanaya xulafadiisa midigta fog ee Israa’iil, kuwaasoo dalbanaya in howlgalka militari la sii wado haddii xabbad-joojintu aysan keenin horumar muuqda.
Madaxweyne Trump wuxuu doonayaa inuu xoojiyo xabbad-joojinta qayb ka ah siyaasaddiisa Bariga Dhexe, taasoo ay ka mid tahay dadaallada lagu ballaarinayo Abraham Accords, laguna xoojinayo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta ee deriska la ah. Si kastaba ha ahaatee, xiisadaha gobolka ayaa weli sare u kacaya, iyadoo labada dhinacba ay la kulmayaan caqabado siyaasadeed iyo amni.
Kulanka u dhaxeeya Trump iyo Netanyahu ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho xiriirka cusub ee Mareykanka iyo Israa’iil, isla markaana uu go’aamin doono sida Washington ay uga falceliso xaaladda gobolka.
HBN Online TV