Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa sheegay inay sii wadayaan wadahadallada kala duwan oo ay la leeyihiiin mas’uuliyiinta Suuriya, wadahadalkaas oo ay ka mid yihiin arrimaha ku saabsan mustaqbalka labada saldhig milateri ee Ruushku ku leeyahay dalkaasi.
Ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Mikhail Bogdanov, ayaa toddobaadkii hore safar ku tegay Dimishiq, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay hoggaanka cusub ee Suuriya.
Wakaaladda wararka ee TASS ayaa horay u soo warisay in Moscow ay wadahadallo kula jirto dowladda cusub ee Suuriya si ay uga wada hadlaan mustaqbalka saldhigyada milateri, hase yeeshee labada dhinac weli heshiis kama gaarin arrintan, iyada oo wadahadalladu sii socdaan. TASS ayaa soo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo sheegaya in Moscow ay raadineyso inay sii xajisato xeerarka sharci ee saldhigyadeeda ku yaalla Xamaamiim iyo Tartus ee Suuriya.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa horey u sheegay in Ruushka uusan wax codsi ah ka helin Dimishiq oo la xiriira dib-u-eegista heshiisyada ku saabsan saldhigyada milateri ee Ruushka uu ku leeyahay Suuriya.
Moscow waxay sanadihii la soo dhaafay dhistay saldhigyo ciidan oo muhiim ah gudaha Suuriya, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Xamaamiim iyo Tartus, kuwaasoo ah tiirarka ugu waaweyn ee joogitaanka militari ee Ruushka ee Badda Mediterranean-ka iyo Afrika.
Burburka xukunkii Bashar al-Assad ee Suuriya ayaa keenay su’aalo waaweyn oo ku saabsan mustaqbalka saldhigyada militari ee Ruushka, maadaama xukuumaddii hore ee Assad ay ahayd xulafada muhiimka ah ee Moscow.
HBN ONLINE TV