Ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen, 15 kalena ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo saaka ka dhacay magaalada Manbij oo ku taalla bariga magaalada Xalab waqooyiga Suuriya.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in 12 qof oo shacab ah ay dhinteen, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka ku waxyeelloobay qaraxan ay ka mid yihiin haween iyo carruur.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay meel u dhow gaari kale oo waday haween tiro badan oo beeraley ahaa.
Tani waa weerarkii toddobaad ee gaari ama mooto qarax laga soo buuxshay uu ka dhaco magaalada Manbij muddo shan toddobaad ah gudaheed, sida ay xaqiijiyeen Laamaha Caafimaadka & Ammaanka Suuriya.
Sabtidii, saddex qof oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay bartamaha Manbij.
Miyiga magaalada Manbij waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya Xoogagga la baxay Ciidamada Qaranka Suuriya ee loo yaqaan SNA oo Turkigu taageero iyo Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee SDF ee Mareykanku taageero. SNA ayaa horey ugu eedeeyay ciidamadaas – oo ay hormuud u yihiin cutubyada Kurdida – inay ka dambeeyaan weerarrada isdaba joogga ah ee ka dhaca magaalada.
Ciidamada SNA waxay dib u qabsadeen magaalada Manbij bishii Diseembar ee la soo dhaafay, xiligii oo xukuumaddii Bashar al-Assad la riday.
HBN Online TV