Sidee u gubtay Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo dab ka kacay?

Suuqa Idaacadda oo ahaa kan labaad ee ugu weynaa Magaalada Hargeysa ayaa dab xalay ka kacay waxaa ka dhashay khasaare ku ekaa dukaamo iyo Hantidii taallay, kaasi oo xili saqdhexe ah bilowday.

Ganacsatada Suuqa qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in si fudud loo damin karay dabka, balse la waayey waddooyinkii loo marsii lahaa Gaadiidka Dab damiska, taasine ay sabab u aheyd inuu ku sii faafay.

Suuqa oo ah mid isku raran ah, ayna yar tahay waddooyinka dhexmara si Gawaarida gudaha ugu galaan ayaa waxaa lagu qasbanaaday in Gaadiidka dab damiska ah ay meelo fog ka tuurayeen biyaha, si ay u gaarsiiyaan una damiyaan.

Waxaa saaka socda tirakoobka lagu ogaanayo inta uu gaarsiisan yahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay Dabkaan qaar ka mid ah Goobaha Ganacsiga, iyadoo intii lagu guda jiray daminta dabka lagu guuleystay in laga saaray hantidii taallay goobo badan si aanay dabku u gaarin.

Suuqa waxaa gaaray Madaxweynaha Somaliland Cadiraxmaan Cirro iyo Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumaddiisa, iyagoo indha indheyn ku sameynaya saameynta uu ka dhalatay dabkii xalay.

Lama oga sababta ka dambeysay dabka ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa oo ahaa mid isku raran ah, ahaana kan labaad ee ugu weynaa Magaalada. Horay waxaa sidaan oo kale dab ka kacay ku bas beelay Suuqa waaheen, bishii April ee sanadkii 2022-kii

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed