Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay dadka Falastiin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda FalastiinRowaid Adil Mohamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo, waxana Kulanka diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Xamsa ayaa safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin, gaar ahaan

“xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda”.
Waxaa uu cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin ee dalkii 15-kii bil lagu waday tan iyo 7-dii Octobar ee 2023.

Safiir Rowaid Adil Mohamed oo uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, ayaa sheegay in dadka reer Falastiin ay “si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed”.

Kulankan ayaa ku soo adaaya ka dib markii Safiirka Falastiin laga guddoomay waraaqaha danjiranimo khamiistii todobaadkii hore, isaga iyo 7 safiir oo kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed