Israa’iil oo burburisay 80% Masaajidyadii Gaza

waxaa isa soo taraya khasaaraha balaaran ee ka dhashay weeraradii iyo duqeymihii Israa’iil ka waday Marinka Gaza 15-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana Wakaalada Anadolu ee laga leeyahay Turkiga warbixin ay baahisay ku sheegtay inay Israel burburisay 79% masaajidda ku yaalla Gaza, sidoo kalena waxay gebi ahaanba dumisay saddex kaniisadood, siduu u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Awqaafta ee marinka Qaza.

Ikrami Al Mudallal ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay dileen 255 culimo iyo imaamyo ka tirsan wasaaradda, sidoo kale ay xireen 26 kale.

“Waa xadgudub cad oo ka dhan ah dhammaan goobaha barakaysan, sharciga caalamiga ah, iyo xeerarka xuquuqda aadanaha in ciidamada gumeysiga ay si bareer ah u beegsadaan masaajidda iyo goobaha cibaadada,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Al Mudallal wuxuu sheegay in ciidamada Israa’iil ay bartilmaameedsadeen 32 kamid ah 60 qabuuraha ku yaalla Gaza, iyagoo gebi ahaanba burburiyay 14 qabuuro, halka ay si daran waxyeello u gaarsiiyeen 18 kale.

Gaza, oo qarniyo badan u ahayd marin u dhexeeya Aasiya iyo Afrika, waxay hoy u ahayd taariikh ballaaran oo la xiriirta ilbaxnimooyin kala duwan, dhaqamo iyo diimo kala duwan.

Tan iyo markii Israa’iil ay bilowday dagaalka lagu sifeeyay “xasuuqa” ee ay ku qaadday Gaza 7-dii Oktoobar 2023, dhismayaal badan oo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin masaajiddo, macbadyo, iyo kaniisado ayaa la burburiyay.

Waxaa ka mid ah Masaajidka weyn ee Al-Omari, kaas oo ah masaajidka ugu weyn uguna da’da weyn ee ku yaalla Gaza. Minaaraddiisa, oo dhisnayd 1,400 sano, ayaa la dumiyay, waxaana burbur weyn soo gaaray qaybo kale oo ka mid ah dhismaha.

Masaajidda kale oo weerarada Israa’iil waxyeello ka soo gaartay waxaa ka mid ah Masaajidka Sayed al-Hashim iyo Masaajidka Katib al-Wilaya. Sidoo kale, kaniisadaha lama dhaafin. Kaniisadda Saint Porphyrius oo ah tan ugu da’da weyn Gaza iyo tan saddexaad ee ugu da’da weyn adduunka, ayaa waxyeello culus soo gaartay, sidaas oo kale Kaniisadda Holy Family ayaa waxyeelo soo gaartay.

Kaniisadda Ahli Baptist, oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al-Ahli Baptist, ayaa sidoo kale la beegsaday. Weerar Israa’iil ay ku qaaday isbitaalkan iyo kaniisaddan 17-kii Oktoobar wuxuu sababay dhimashada ku dhawaad 500 oo qof.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed